Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta si rasmi ah xariga uga jaray Shirkadda Digaaga ee Asal, taas oo laga hirgeliyay deegaanka Ceeldaahir ee Gobolka Bari. Munaasabadda xarig-jarka ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah horumarinta dhaqaalaha deegaanka iyo kobcinta wax-soo-saarka gudaha.
Shirkaddan cusub ee Asal ayaa diiradda saareysa soo saarista ukunta digaaga iyo wax-soo-saarka la xiriira, iyadoo hadda si toos ah u billaabatay iibgeynta gudaha dalka. Wax-soo-saarka shirkadda ayaa la filayaa inuu wax weyn ka beddelo baahida loo qabo ukunta gudaha, isla markaana yareeyo ku tiirsanaanta waxyaabaha dibadda laga keeno.
Madaxweynaha Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyay maalgashiga lagu sameeyay Ceeldaahir, isagoo sheegay in shirkadaha noocan oo kale ah ay kaalin weyn ka qaadanayaan horumarinta dhaqaalaha Puntland, abuurista shaqooyin cusub, iyo dhiirrigelinta wax-soo-saarka gudaha.
Wuxuu sidoo kale tilmaamay in Dowladda Puntland ay ka go’an tahay in ay taageerto maalgashiga gaarka loo leeyahay, gaar ahaan mashaariicda wax-soo-saarka iyo kuwa kobcinaya dhaqaalaha miyiga iyo magaalooyinka. Madaxweynaha ayaa xusay in deegaanka Ceeldaahir uu leeyahay fursado badan oo maalgashi, kuwaas oo muhiim u ah horumar waara.
Sidoo kale, waxaa la qorsheynayaa in mustaqbalka shirkaddu ay ballaariso wax-soo-saarkeeda, isla markaana ay u gudubto suuqyada dibadda, taas oo sare u qaadi doonta sumcadda wax-soo-saarka dalka Soomaaliya, gaar ahaan Puntland.
Ugu dambeyntii, munaasabadda xarig-jarka ayaa lagu soo gabagabeeyay booqasho uu Madaxweynaha ku sameeyay qeybaha kala duwan ee shirkadda, isagoo u rajeeyay guul iyo horumar joogto ah oo ay gaaraan ganacsatada iyo shaqaalaha ka shaqeeya mashruucan.