Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya oo maanta kulan muhiim ah la yeeshay Marwo Anna Mutavati

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Marwo Anna Mutavati, oo ah Agaasimaha Gobolka Bariga iyo Koonfurta Afrika ee hay’adda UN Women.
Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo UN Women, si loo taageero horumar loo dhan yahay oo waara, kaas oo la jaanqaadaya Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2026–2030). Labada dhinac ayaa isla falanqeeyay muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo barnaamijyada horumarineed ee kor u qaadaya ka-qaybgalka haweenka iyo dhalinyarada ee horumarka dalka.
Intii uu socday kulanka, waxaa si qoto dheer looga hadlay arrimo dhowr ah oo muhiim u ah horumarka bulshada Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ka mid yihiin ka-qaybgalka bulshada ee qorsheynta horumarinta, ballaarinta fursadaha dhaqaale ee haweenka iyo dhalinyarada, iyo taageeridda dadaallada nabadda iyo xasilloonida dalka.
Sidoo kale, labada dhinac waxay isla meel dhigeen muhiimadda ay leedahay xoojinta nidaamyada xogta iyo tirakoobka si loo helo xog sax ah oo lagu saleeyo qorsheynta horumarinta, taas oo gacan ka geysan karta dejinta siyaasado wax ku ool ah oo lagu hagayo mustaqbalka dalka.
Waxaa sidoo kale la isla soo qaaday baahida loo qabo in la dhiso awoodda hay’adaha dowladda, si ay u noqdaan kuwo si hufan u fulin kara siyaasadaha horumarineed, isla markaana u dabooli kara baahiyaha bulshada ee sii kordhaya.
Wasiir Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene) ayaa uga mahadceliyay UN Women doorka ay ka qaadato taageerada haweenka Soomaaliyeed iyo horumarinta bulshada, isagoo xusay in iskaashiga noocan oo kale ah uu muhiim u yahay hirgelinta hiigsiyada horumarineed ee dalka.
Dhanka kale, Marwo Anna Mutavati ayaa adkaysay sida ay UN Women uga go’an tahay sii wadista taageerada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada xoojinta ka-qaybgalka haweenka, nabadda, iyo horumarinta fursadaha dhaqaale.
Ugu dambeyntii, labada dhinac ayaa ku heshiiyay in la sii xoojiyo iskaashiga iyo isku-duwidda barnaamijyada horumarineed, si loo gaaro natiijooyin wax ku ool ah oo si toos ah uga faa’iideeya bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan haweenka iyo kooxaha nugul.