Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta shir guddoomiyay Madasha Isku Xirka Howlaha Ka Hortagga Fikirka Xagjirka ah oo ay soo qaban-qaabisay TUBSAN Center, taas oo ujeeddadeedu tahay xoojinta dadaallada dowladda iyo kuwa bulshada ee looga hortagayo faafitaanka fikirrada xagjirka ah.
Kulankan ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, wakiillo ka socday beesha caalamka, iyo hay’ado kala duwan oo ka shaqeeya arrimaha nabadeynta, wacyigelinta bulshada, iyo ka hortagga xagjirnimada. Intii uu socday shirka, waxaa si qoto dheer diiradda loo saaray muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada lagu ciribtirayo fikradaha marin-habaabinta ah, gaar ahaan kuwa lagu beegsanayo dhallinyarada Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa carrabka ku adkeeyay in Xukuumadda DanQaran ay horumar muuqda ka sameysay dhinacyada amniga iyo la dagaallanka argagixisada, isaga oo xusay in guulahaas ay ku yimaadeen iskaashi dhow oo u dhexeeya hay’adaha ammaanka, shacabka, iyo saaxiibbada caalamiga ah. Waxa uu tilmaamay in si loo sii xoojiyo guulahaas, ay muhiim tahay in la kordhiyo barnaamijyada wacyigelinta iyo ka hortagga fikirrada xagjirka ah.
Mudane Saalax ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay dhismaha bulsho nabdoon oo ka madax bannaan fikradaha rabshadaha ku saleysan, isaga oo si gaar ah ugu baaqay dhallinyarada inay ka fogaadaan marin-habaabinta kooxaha argagixisada, isla markaana ay kaalin firfircoon ka qaataan horumarka dalka. Wuxuu xusay in dhallinyaradu ay yihiin laf-dhabarta mustaqbalka Soomaaliya, sidaas darteedna ay muhiim tahay in lagu hago waddo sax ah oo ku dhisan aqoon, wacyi, iyo waddaniyad.
Sidoo kale, madasha ayaa lagu soo bandhigay warbixinno iyo talooyin ku saabsan sidii loo horumarin lahaa istaraatiijiyadaha ka hortagga xagjirnimada, iyadoo la xoojinayo doorka bulshada rayidka ah, culimada, iyo warbaahinta. Qaar ka mid ah ka qeybgalayaasha ayaa bogaadiyay dadaallada ay dowladda Soomaaliya waddo, iyagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay inay sii wadaan taageerada ay siiyaan barnaamijyada nabadeynta iyo xasillinta dalka.
Ugu dambeyntii, kulankan ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad ku saabsan in la sii ambaqaado iskaashiga, lana xoojiyo qorsheyaasha lagu ilaalinayo amniga iyo midnimada bulshada, si loo gaaro Soomaaliya nabdoon oo horumar leh.