Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Soomaaliya waxay si rasmi ah ula wadaagaysaa dhammaan hay’adaha dowladda, kuwa aan dowliga ahayn iyo hay’adaha gaarka loo leeyahay in maalinta Sabtida ah ee taariikhdu ku beegan tahay 2-da bisha May loo asteeyay xuska Maalinta Shaqaalaha Adduunka, maadaama 1-da May oo caadi ahaan loo dabaaldego maalintan ay sanadkan ku beegantahay maalin Jimco ah.
Wasaaraddu waxay carrabka ku adkaysay in Maalinta Shaqaalaha Adduunka ay tahay maalin qiimo weyn u leh dhammaan shaqaalaha, maadaama ay astaan u tahay halgankii iyo dadaalladii loo soo maray xaqiijinta xuquuqda shaqaalaha caalamka. Sidoo kale, waa maalin lagu xuso kaalinta muhiimka ah ee shaqaaluhu ku leeyihiin horumarka dhaqaale, dhismaha hay’adaha, iyo kobcinta bulshada.
Qoraalka Wasaaradda ayaa lagu muujiyay in xuskan uu yahay fursad lagu xoojin karo wacyiga bulshada ee ku aaddan xuquuqda iyo waajibaadka shaqaalaha, iyadoo sidoo kale la dhiirrigelinayo in la abuuro jawi shaqo oo cadaalad, sinnaan iyo badbaado ku dhisan. Waxaa la tilmaamay in shaqaale ku qanacsan xuquuqdooda ay door weyn ka qaataan horumar waara iyo xasillooni bulsho.
Wasaaraddu waxay ugu baaqday dhammaan hay’adaha kala duwan inay si wadajir ah uga qeyb qaataan xuska maalintan, iyagoo qabanaya munaasabado iyo barnaamijyo lagu muujinayo qiimaha shaqaalaha, isla markaana lagu dhiirrigelinayo ilaalinta xuquuqdooda. Waxaa sidoo kale lagu booriyay loo-shaqeeyayaasha inay sii xoojiyaan dadaallada lagu horumarinayo xaaladaha shaqo iyo daryeelka shaqaalaha.
Ugu dambeyn, Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Soomaaliya waxay xaqiijisay inay ka go’an tahay horumarinta siyaasadaha iyo sharciyada lagu ilaalinayo xuquuqda shaqaalaha, si loo gaaro bulsho cadaalad ku dhisan oo shaqaaluhu ay helaan xuquuqdooda buuxda, isla markaana ay si hufan uga qeyb qaataan dhismaha iyo horumarka dalka.