Golaha Wasiirrada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta yeeshay shir muhiim ah oo uu guddoomiyey Hoggaamiyaha Ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji. Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo maamulka, amniga iyo horumarka deegaannada hoos yimaada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Shirka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xaaladaha guud ee ka jira deegaannada, iyadoo si qoto dheer looga falanqeeyay arrimaha amniga, horumarinta mashaariicda, iyo hagaajinta adeegyada bulshada. Golaha Wasiirrada ayaa warbixinno ka dhageystay wasaaradaha kala duwan, kuwaas oo soo bandhigay heerka ay marayaan howlaha muhiimka ah iyo caqabadaha jira.
Intii uu socday kulanka, Golaha Wasiirrada ayaa si rasmi ah u ansixiyay laba siyaasad oo muhiim u ah horumarka iyo nidaaminta magaalooyinka, kuwaas oo kala ah Siyaasadda Guriyeynta iyo Siyaasadda Fasaxa Dhismaha, kuwaas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Howlaha Guud. Labadan siyaasad ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo qorsheynta magaalooyinka, kor loogu qaado tayada dhismayaasha, isla markaana la habeeyo nidaamka bixinta oggolaanshaha dhismaha.
Mas’uuliyiinta ayaa tilmaamay in hirgelinta siyaasadahani ay door weyn ka qaadan doonaan horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, bilicda magaalooyinka, iyo kobcinta maalgashiga gudaha. Sidoo kale, waxay xuseen in ay muhiim tahay in si hufan loo fuliyo si loo gaaro natiijooyin muuqda oo waxtar u leh bulshada.
Ugu dambeyn, Golaha Wasiirrada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay dardargelinta hirgelinta siyaasadaha la ansixiyay, iyagoo adkeeyay in loo baahan yahay iskaashi buuxa oo u dhexeeya hay’adaha dowladda iyo bulshada si loo xaqiijiyo horumar waara iyo magaalooyin si wanaagsan loo qorsheeyay.