Ku-simaha Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ahna Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Xildhibaan Aamina Xuseen Cali, ayaa maanta ka qayb gashay munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu xusay Maalinta Shaqaalaha Adduunka.
Munaasabaddan oo ay soo qabanqaabiyeen Xiriirka Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed ee FESTU isla markaana ay taageero ka heleen Hay’adda Shaqada Adduunka ee ILO, ayaa waxaa ka soo qayb galay in ka badan 1,000 qof oo isugu jiray shaqaale, masuuliyiin ka tirsan dowladda, iyo marti sharaf kale.
Intii ay socotay munaasabadda, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray doorka muhiimka ah ee shaqaalaha Soomaaliyeed ku leeyihiin horumarka dalka, iyo baahida loo qabo xoojinta ilaalinta xuquuqdooda, xorriyaddooda iyo karaamadooda shaqo. Sidoo kale, waxaa laga dooday muhiimadda maalgelinta shaqo abuurka si loo gaaro shaqooyin hufan oo waara.
Ku-simaha Wasiirka Shaqada iyo Arrinaha Bulshada, Xildhibaan Aamina Xuseen Cali, isla markaana ah Wasiir Ku xigeenka wasaarada ayaa caddeysay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda uga go’an tahay horumarinta iyo dhaqan-gelinta shuruucda shaqada, iyo fulinta heshiisyada caalamiga ah ee la xiriira shaqaalaha, si loo abuuro fursado shaqo oo tayo leh. Waxay sidoo kale hoosta ka xariiqday in Wasaaraddu ay sii wadi doonto dadaallada lagu xoojinayo shaqo abuurka, kobcinta xirfadaha, iyo ilaalinta xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed.
Dhankiisa, Xoghayaha Guud ee FESTU, Mudane Cumaar Faaruuq Cusmaan, ayaa uga mahadceliyay Dowladda sida degdegga leh ay u meelmarisay sharciga shaqada, isagoo tilmaamay muhiimadda uu u leeyahay dhowrista xuquuqda iyo xorriyadda shaqaalaha Soomaaliyeed.
Sidoo kale, munaasabadda waxaa ka hadlay masuuliyiin ka socday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo ILO, kuwaas oo adkeeyay muhiimadda iskaashiga u dhexeeya dowladda, shaqaalaha iyo loo-shaqeeyayaasha.
Maalinta Shaqaalaha Adduunka waa maalin caalami ah oo lagu muujiyo qiimaha iyo kaalinta ay shaqaaluhu ku leeyihiin horumarka dhaqaale iyo bulsho ee dal kasta.
Home Wararka Maanta Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo maanta ka qayb gashay...