Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku jooga magaalada Boosaaso, ayaa maanta si rasmi ah u furay bandhigga todobaadka hal-abuurka Tiknoolajiyadda ee ay soo qabanqaabisay Jaamacadda Citycot.
Madaxweynaha ayaa kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee carwada, halkaas oo ardayda jaamacaddu ay ku soo bandhigeen hal-abuurro casri ah oo dhinaca tiknoolajiyadda ah. Ardaydu waxay soo bandhigeen mashaariic ay ka mid yihiin Robots shaqeynaya, adeegyo dijitaal ah oo casri ah, iyo xalal ku saabsan sida tiknoolajiyadda loogu adeegsan karo horumarinta wax-soo-saarka beeraha, gaar ahaan ka faa’iidaysiga korontada iyo kobcinta dalagyada ka baxa dalka. Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay fikrado la xiriira ka faa’iidaysiga kheyraadka badda ee hodanka ku ah deegaanada Puntland.
Intii uu ku guda jiray booqashada, Madaxweynaha ayaa warbixinno faahfaahsan ka dhegaystay ardayda iyo macallimiinta, isagoo ku ammaanay dadaalkooda hal-abuurka leh iyo doorka ay ka qaadanayaan horumarinta aqoonta iyo tiknoolajiyadda dalka. Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dhalinyarada la siiyo fursado ay ku horumariyaan fikradahooda, si ay uga qeyb qaataan kobaca dhaqaale iyo horumarinta bulshada.
Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qeyb galay Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Puntland, Maxamed Baari Shire, xubno ka tirsan goleyaasha Dowladda, la-taliyeyaal, Guddiga Tacliinta Sare ee Puntland, maamulka gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso, ganacsato, maamulka jaamacadda iyo arday tiro badan.
Bandhiggan todobaadka hal-abuurka Tiknoolajiyadda ayaa muujinaya horumarka ay sameynayaan ardayda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku jira Tiknoolajiyadda, iyo sida ay uga faa’iidaysanayaan aqoonta si ay u keenaan xalal cusub oo wax ku ool u ah bulshada iyo dhaqaalaha dalka.