Wasiirka Caafimaadka Kenya, Aadan Barre Ducaale, ayaa si cad u muujiyay taageeradiisa ku aaddan qorshaha Xasan Sheekh Maxamuud ee ah in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, taas oo uu ku tilmaamay mid awoodda si toos ah ugu celinaysa shacabka.
Ducaale ayaa sheegay in caqabadaha hortaagan hirgelinta doorashooyinka dadweynaha ay yihiin kuwo siyaasadeed, isla markaana loo baahan yahay in siyaasiyiintu ay ka gudbaan si dalka looga saaro nidaamkii hore ee doorashooyinka dadban ee uu sheegay inay wiiqeen awoodda shacabka.
Wasiirka ayaa sidoo kale bogaadiyay horumarka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku tallaabsatay, gaar ahaan dhinacyada amniga, cafinta daynta, qaadista cunaqabataynta iyo dib ugu soo laabashada madasha caalamiga ah sida Qaramada Midoobay. Waxa uu tilmaamay in guulahaas ay dhidib u taagayaan mustaqbal siyaasadeed oo xasilloon.
Isagoo sii hadlayay, Ducaale ayaa yiri:
“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa aan ku taageersanahay qabashada doorasho qof iyo cod ah. Caqabadda siyaasadda waa in laga gudbaa. Siyaasiyiinta ku sugan dalalka dibadda sida Kenya, Uganda, Turkiga iyo Imaaraatka waxaan leeyahay: dhex gala shacabka oo dareenkooda ogaada.”
Waxa uu intaa ku daray in Soomaaliya ay horumar muuqda samaysay, isagoo xusay in la keenay dastuur cusub, la cafiyay dayntii, la xasiliyey amniga, islamarkaana dalka uu xubin ka noqday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, halka hay’adaha sida Bangiga Adduunka iyo IMF ay ka taageereen dhinaca dhaqaale.
Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa marar badan ku celcelisay inay ka go’an tahay hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, inkasta oo mucaaradku ay wali ka biyo diidan yihiin, iyagoo ku doodaya in dib loogu laabto nidaamkii hore ee doorashooyinka dadban.
Xukuumadda ayaa qorshaynaysa in doorashooyin dadweyne laga qabto dowlad-goboleedyada Koofur Galbeed, Hirshabeelle, Galmudug iyo Puntland, halka Muqdisho ay horey uga dhacday doorasho tijaabo ah 25-kii December 2025, taas oo si nabad ah ku qabsoontay isla markaana ay soo dhaweeyeen beesha caalamka.
Warbixintan ayaa muujinaysa in doodda ku saabsan doorashooyinka qof iyo cod ah ay weli tahay mid si weyn u taagan, iyadoo ay jiraan taageerooyin iyo caqabado siyaasadeed oo is barbar socda.