Sahal Cabdullaahi Cumar iyo Sabhadiin Kalkaan oo Muqdisho uga qeyb galay dhaarinta Guutada 33-aad ee Kumaandooska GorGor

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) Gen. Sahal Cabdullaahi Cumar, oo uu weheliyo Taliyaha Hawlgalka Turksom Gen. Sabhadiin Kalkaan, ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad muhiim ah oo ka dhacday magaalada Muqdisho, taas oo lagu dhaarinayay Guutada 33-aad ee Kumaandooska GorGor.

Munaasabaddan ayaa ahayd mid si weyn u muujinaysa horumarka iyo dib-u-dhiska lagu sameynayo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybaha Kumaandooska oo door weyn ka qaata difaaca dalka.

Gen. Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa ciidamada cusub ee la dhaariyay kula dardaarmay in ay si dhab ah u ilaashadaan dhaartii ay maanta mareen, isla markaana ay muujiyaan mas’uuliyad sare, waddaniyad, iyo u diyaarsanaan buuxda oo ay ku difaacaan qarankooda.

Sidoo kale, Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa ciidamada ku booriyay in ay si wanaagsan uga faa’iideystaan tababarka ay heleen, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in ay yeeshaan anshax, karti, iyo daacadnimo si ay uga mid noqdaan difaaca iyo xasilloonida dalka.

Dhanka kale, Gen. Sabhadiin Kalkaan, Taliyaha Hawlgalka Turksom, ayaa isna ciidamada kula dardaarmay in ay si dhab ah uga faa’iideystaan tababarka ay u aadaan dalka Turkiga, si ay u helaan aqoon iyo xirfad sare oo kor u qaadaysa awooddooda militari.

Ugu dambeyn, ciidanka cusub ee ku soo biiray Somali National Army ayaa loo arkaa inay qeyb muhiim ah ka noqon doonaan dadaallada lagu xoojinayo difaaca dalka iyo la dagaallanka kooxaha khatarta ku ah amniga Soomaaliya.