S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo kulan la yeeshay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, oo uu weheliyo Taliyaha Xabsiga Dhexe Gen. Daahir Cabdulle Raage, ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tegay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka.

Booqashadan ayaa si diirran loogu soo dhoweeyay, waxaana qaabilay Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Mudane Sheekh Muqtaar Roobow Cali.

Ujeedada booqashada Taliyeyaasha Ciidanka Asluubta ayaa ahayd in ay si gaar ah ugu mahadceliyaan Wasaaradda Diinta iyo Arrimaha Islaamka, taas oo si dhow ula shaqeysa uguna garab istaagta Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ayaa door muhiim ah ka qaadata taageerada Ciidanka Asluubta, iyadoo ka caawisa dhinacyo kala duwan, sida bixinta iyo taageeridda Kitaabada Qur’aanka Kariimka ah ee lagu wacyigeliyo ciidamada iyo maxaabiista ku jirta xabsiyada dalka.

Sidoo kale, Wasaaraddu waxay ka qeyb qaadataa barnaamijyada wacyigelinta diinta Islaamka, kuwaas oo lagu hagaajinayo akhlaaqda iyo dib-u-habeynta maxaabiista, si ay ugu noqdaan bulshada dad wax ku ool ah marka ay xabsiga ka baxaan.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa xusay muhiimadda iskaashiga labada dhinac, isagoo sheegay in taageerada Wasaaradda Awqaafta ay door weyn ka ciyaarto hagaajinta nidaamka xabsiyada iyo kor u qaadista anshaxa ciidamada iyo maxaabiista.