Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Haadow, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ahna Agaasimaha Waaxda Dhibaatooyinka ee Hay’adda UNDP, Marwo Shoko Noda, oo booqasho shaqo oo socotay toddobaad ku timid magaalada Muqdisho.
Kulankan ayaa ahaa mid muhiim ah oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Hay’adda Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP), iyadoo si gaar ah loo eegayay sidii loo waafajin lahaa mudnaanta ajandayaasha qaran ee Soomaaliya, kuwaas oo ay ka mid yihiin horumarinta dalka, diyaar-garowga doorashooyinka, iyo ka jawaabidda xaaladaha bani’aadannimo.
Labada dhinac ayaa si qoto dheer uga wada hadlay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga horumarineed, si loo taageero dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan dib-u-dhiska hay’adaha dowladda iyo horumarinta adeegyada bulshada.
Sidoo kale, hoggaanka Qaramada Midoobay ayaa bogaadisay doorka sii kordhaya ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka ciyaareyso Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyo sidoo kale ku biirista Soomaaliya ee Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC), taas oo loo arko tallaabo muhiim ah oo dhanka isdhexgalka gobolka ah.
Intii uu socday kulanka, labada dhinac ayaa sidoo kale si gaar ah uga hadlay xaaladda adag ee ay wajahayaan barakacayaasha gudaha (IDPs) iyo saameynta abaarta ka jirta dalka, iyagoo adkeeyay baahida degdegga ah ee loo qabo in wax looga qabto xaaladaha bani’aadannimo ee sii kordhaya.
Waxay ku heshiiyeen in la dardargeliyo dadaallada wadajirka ah ee ay hoggaaminayso Dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo taageero bulshooyinka nugul, loona xoojiyo adkeysiga bulshada guud ahaan dalka.
Ugu dambeyn, kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad iyo ballanqaad ku aaddan sii wadista iskaashiga dhow ee u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo UNDP, si loo gaaro horumar waara iyo xasillooni dalka oo dhan.