Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor ayaa maanta si rasmi ah u furay tababar ku saabsan horumarinta xirfadaha Garsoorka iyo xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Puntland.
Tababarkan oo ay diyaarisay Wasaaradda Caddaaladda, Dastuurka, Arrimaha Diinta iyo Dhaqancelinta Puntland ayaa ujeedkiisu yahay in lagu xoojiyo aqoonta, xirfadda, iyo hufnaanta bahda garsoorka, si loo horumariyo adeegyada caddaaladda ee dalka.
Munaasabadda furitaanka tababarka ayaa Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland uu ka sheegay in bulshada Puntland ay si weyn u sugayso helitaanka caddaalad dhab ah oo lagu kalsoonaan karo, taas oo saldhig u ah nabadgelyo, xasillooni iyo kalsooni bulsho.
Waxa uu sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha garsoorku muujiyaan hufnaan, caddaalad iyo shaqo wanaag, si loo xaqiijiyo in nidaamka garsoorku noqdo mid lagu kalsoonaan karo oo u adeega shacabka.
Intii uu hadlayay, Madaxweyne ku xigeenku wuxuu ku booriyay ka qaybgalayaasha tababarka inay si dhab ah uga faa’iideystaan fursaddan, si ay u xoojiyaan waajibaadkooda shaqo, isla markaana ay bulshada ugu adeegaan si caddaalad iyo masuuliyad ku dheehan tahay.
Ugu dambeyn, tababarkan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo awoodda garsoorka ciidamada, loona xoojinayo nidaamka caddaaladda ee Dowladda Puntland.