Wasaaradda Cadaaladda Soomaliya oo Qabatay Kulanka Laba Asbuucle ee Agaasimayaasha

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faysal Aadan Xasan, ayaa maanta shir-guddoomiyay kulanka laba asbuucle ee joogtada ah ee Agaasimayaasha Wasaaradda, kaas oo si weyn diiradda loogu saaray qiimeynta iyo dabagalka howlaha shaqo ee Wasaaradda.

Kulankan oo ay ka qeyb galeen Agaasimayaasha Guud iyo Agaasimayaasha Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda ayaa ahaa mid muhiim ah oo lagu lafagurayay waxqabadkii labada toddobaad ee la soo dhaafay. Intii uu socday kulanka ayaa si qoto dheer loo dul istaagay horumarka la gaaray, howlaha weli socda, iyo caqabadaha jira ee u baahan in si degdeg ah wax looga qabto.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu falanqeeyay fursadaha muhiimka ah ee lagu dardargelin karo howlaha Wasaaradda, gaar ahaan kuwa la xiriira horumarinta nidaamka cadaaladda, dib-u-eegista iyo tayeynta adeegyada bulshada loo fidiyo, iyo sidoo kale hirgelinta qorshayaasha mudnaanta u leh Wasaaradda.

Xoghayaha Joogtada ah, Mudane Faysal Aadan Xasan, ayaa kulanka ka sheegay in muhiimadda ugu weyn ay tahay in la xoojiyo isla xisaabtanka joogtada ah ee shaqada, si loo hubiyo in howlaha Wasaaradda ay u socdaan si nidaamsan oo hufan. Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in isku dubbaridka shaqaalaha iyo waaxyaha kala duwan uu yahay mid muhiim u ah xaqiijinta guusha qorshayaasha Wasaaradda.

Intii kulanku socday, Agaasimayaasha kala duwan ayaa soo bandhigay warbixinno ku saabsan howlaha ay qabteen, halka ay marayaan qorshayaasha shaqo, iyo caqabadaha ay la kulmeen. Warbixinnadaas ayaa noqday kuwo lagu saleynayo go’aanno lagu horumarinayo waxqabadka Wasaaradda.

Waxaa sidoo kale kulanka lagu xoojiyay baahida loo qabo in la kordhiyo wada shaqeynta ka dhexeysa waaxyaha kala duwan, si loo hubiyo in adeegyada cadaaladda iyo dastuurka ay si hufan oo waxtar leh u gaaraan bulshada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, kulanka ayaa lagu soo gabagabeeyay in la sii dardargeliyo qorshayaasha horumarineed ee Wasaaradda, isla markaana la xoojiyo dabagalka joogtada ah ee waxqabadka, si loo gaaro yoolalka Wasaaradda ee ku aaddan tayeynta nidaamka cadaaladda iyo ilaalinta dastuurka dalka.