Safiirka Sweden ee Itoobiya oo Lagu Soo Dhaweeyay Jigjiga

Safiirka dalka Sweden u fadhiya Itoobiya, Ambassador Magnus Lennartsson, ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Garaad Wiil-waal ee magaalada Jigjiga, halkaas oo uu kaga degay safar shaqo oo rasmi ah.
Soo dhaweynta Safiirka waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS), waxaana garoonka ku qaabilay Wasiirka Xafiiska Madaxweynaha DDS, Xuseen Xaashi Qaasim (Ph.D), iyo Wasiirka Xafiiska Jidadka DDS, Idiriis Muuse, kuwaas oo wafdiga ku soo dhaweeyay jawi xushmad iyo marti-soor heer sare ah.
Jigjiga ayaa noqotay goobta uu ka bilaabmay booqashada wafdiga Safiirka, taas oo la xiriirta iskaashi horumarineed iyo mashaariic muhiim ah oo ka socda gobolka.
Safiirka iyo wafdigiisa ayaa la filayaa in ay ka qeyb galaan munaasabad rasmi ah oo dhagax-dhig ah, taas oo lagu bilaabayo dib-u-dhiska buundada Tog Wajaale. Buundadan ayaa ah mid muhiim ah oo ku taalla marinka ganacsi ee isku xira Itoobiya iyo dekedda Berbera, isla markaana door weyn ka ciyaarta isu socodka ganacsiga gobolka Geeska Afrika.
Mashruuca dib-u-dhiska buundada Tog-Wajaale ayaa lagu tilmaamay mid xoojinaya isku xirnaanta ganacsiga, kor u qaadaya isu socodka badeecadaha, isla markaana fududeynaya ganacsiga xuduudaha isaga gudba. Waxaa sidoo kale la filayaa in mashruucan uu abuuro fursado dhaqaale oo cusub iyo horumar ballaaran oo ka faa’iideysta bulshada deegaanka.
Magnus Lennartsson ayaa la filayaa in uu kulamo kala duwan la yeesho madaxda DDS, kuwaas oo diiradda lagu saarayo iskaashi ku saabsan kaabeyaasha dhaqaalaha, horumarinta adeegyada bulshada, iyo mashaariic horumarineed oo labada dhinac ka dhexeeya.
Sidoo kale, mas’uuliyiinta DDS ee soo dhaweeyay wafdiga ayaa muujiyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga caalamiga ah, iyagoo xusay in mashaariicda noocan oo kale ah ay door weyn ka qaadanayaan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo isku xirka gobollada.
Ugu dambeyn, booqashada Safiirka Sweden ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Itoobiya iyo Sweden, isla markaana horseedi karta mashaariic horumarineed oo cusub oo ka faa’iideysta bulshada ku nool gobolka iyo guud ahaan Geeska Afrika.