Guddoomiyaha Degmada Baydhabo oo Shir Muhiim ah La Qaatay Guddoomiyaasha Xaafadaha

Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada, Mudane Cabdiraxmaan Ibraahim Aadan Sate, ayaa maanta guddoomiyay kulan muhiim ah oo uu la qaatay guddoomiyaasha tobanka xaafadood ee magaalada Baydhabo, kaas oo diiradda lagu saaray arrimo la xiriira horumarka, nabadgelyada iyo xasilloonida magaalada.
Kulankan ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Guddoomiye Ku-xigeennada Maamulka Degmada iyo Guddoomiyaha Haweenka Degmada, kuwaas oo dhammaantood ka dooday sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta u dhexeysa maamulka iyo bulshada deegaannada kala duwan ee magaalada.
Intii uu kulanku socday ayaa si gaar ah loo dul istaagay xaaladda amniga guud ee magaalada Baydhabo, iyadoo la isla gartay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga ka dhexeeya maamulka degmada, guddoomiyaasha xaafadaha, iyo shacabka si loo ilaaliyo nabadgelyada guud ee magaalada. Waxaa sidoo kale laga wada hadlay sidii loo adkeyn lahaa feejignaanta amniga iyo ka hortagga wax kasta oo khalkhal gelin kara xasilloonida bulshada.
Sidoo kale, kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha deriseynta iyo wada noolaanshaha bulshada, iyadoo la dhiirrigeliyay in la xoojiyo xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya shacabka ku nool xaafadaha kala duwan ee magaalada Baydhabo. Waxaa lagu boorriyay in bulshada ay noqdaan kuwo is garab istaaga, isla markaana ka wada shaqeeya horumarinta deegaanka.
Waxaa kale oo kulanka lagu falanqeeyay muhiimadda iskaashiga ka dhexeeya laamaha amniga iyo shacabka, si loo gaaro amni waara oo ku saleysan is-aaminaad iyo wada shaqeyn joogto ah. Mas’uuliyiinta ayaa carrabka ku adkeeyay in amniga aanu noqon karin mid hal dhinac u gaar ah, balse uu u baahan yahay ka qeybgal buuxa oo bulshada ah.
Guddoomiye Cabdiraxmaan Sate ayaa si gaar ah u xusay in ay muhiim tahay in shacabka iyo laamaha ammaanka ay si dhow u wada shaqeeyaan, si loo xaqiijiyo nabad iyo xasillooni joogto ah oo ka hanaqaadda degmada Baydhabo. Wuxuu sidoo kale ku boorriyay guddoomiyaasha xaafadaha in ay door firfircoon ka qaataan wacyigelinta bulshada iyo xallinta khilaafaadka yar yar ee ka dhex dhasha dadka deegaanka.
Ugu dambeyn, kulanka ayaa lagu soo gabagabeeyay is-afgarad ku saabsan in la sii xoojiyo wada shaqeynta, lana dardargeliyo dadaallada lagu horumarinayo amniga iyo adeegyada bulshada, si Baydhabo ay u noqoto magaalo nabdoon, horumarsan, isla markaana leh wada noolaansho bulsho oo adag.