Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay xubno ka tirsan Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, kuwaas oo booqasho shaqo ku yimid Wasaaradda si ay uga wada hadlaan arrimo la xiriira ilaalinta xuquuqda aadanaha.
Wafdiga Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka ayaa waxaa hoggaaminaysay Guddoomiyaha Guddiga, Dr. Maryan Qaasim Axmed, iyadoo kulanka uu ahaa mid muhiim ah oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Wasaaradda Cadaaladda iyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka.
Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka ayaa ah hay’ad qaran oo u xilsaaran ilaalinta iyo korjoogteynta xuquuqda aadanaha, waxaana kulankan si gaar ah loogu falanqeeyay sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta labada dhinac, gaar ahaan dhinacyada la xiriira ilaalinta xuquuqda maxaabiista, carruurta nugul, iyo guud ahaan nidaamka cadaaladda dalka.
Intii uu kulanku socday ayaa si qoto dheer looga hadlay xaaladda xabsiyada dalka, iyo sida loo horumarin karo nidaamka kormeerka iyo daryeelka maxaabiista si waafaqsan shuruucda iyo heshiisyada caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha. Sidoo kale, waxaa la isla gartay muhiimadda ay leedahay in si gaar ah loo ilaaliyo xuquuqda carruurta nugul ee la kulma xaaladaha adag ee sharci iyo bulsho.
Wasiir Xasan Macallin Maxamuud ayaa kulanka ku adkeeyay sida ay Wasaaraddu uga go’an tahay in la xoojiyo nidaamka cadaaladda dalka, loona ilaaliyo xuquuqda muwaadiniinta dhammaan heerarkooda kala duwan. Wuxuu sidoo kale xusay in iskaashi dhow oo lala yeesho hay’adaha xuquuqul insaanka uu yahay mid muhiim u ah horumarinta nidaam cadaalad oo hufan.
Dhanka kale, Guddoomiye Dr. Maryan Qaasim Axmed ayaa sheegtay in Guddigu diyaar u yahay inuu sii xoojiyo wada shaqeynta kala dhaxeysa Wasaaradda Cadaaladda, gaar ahaan dhinacyada kormeerka xabsiyada iyo la socodka xaaladda xuquuqda aadanaha ee dalka.
Ugu dambeyn, kulanka ayaa lagu soo gabagabeeyay is-afgarad ku saabsan in la dardargeliyo wada shaqeynta labada dhinac, lana hirgeliyo barnaamijyo wadajir ah oo lagu xoojinayo ilaalinta xuquuqda aadanaha, si loo xaqiijiyo nidaam cadaaladeed oo dhowra sharafta iyo xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Home Wararka Maanta Wasaaradda Cadaaladda iyo Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka oo Xoojiyay Iskaashiga