Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Sagootin Sharafeed u Sameeyay Safiirkii Hore ee Jabuuti

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cali, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirkii hore ee Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiyay Soomaaliya, Mudane Maxamed Ibraahim Yuusuf, oo ugu yimid booqasho sagootin sharafeed ah, taasoo ku beegneyd dhammaadka muddadiisii shaqo ee diblomaasiyadeed ee uu ka hayay dalka.

Kulankan ayaa ahaa mid diiradda lagu saarayay qiimeynta xiriirka soo jireenka ah ee walaaltinimo iyo iskaashi ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Jabuuti, kuwaas oo leh taariikh dheer oo ku dhisan is-ixtiraam, iskaashi iyo dano wadaag. Wasiirka ayaa xusay in muddadii uu Safiirku joogay Soomaaliya ay si muuqata u kobceen xiriirrada laba geesoodka ah, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo iskaashiga heer gobol.

Mudane Cabdisalaam Cali ayaa si gaar ah u ammaanay dadaalka joogtada ah ee Safiir Maxamed Ibraahim Yuusuf uu ku bixiyay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, fududeynta wada-shaqeynta labada dowladood, iyo taageerada uu u fidiyay dadaallada nabadeynta iyo xasilinta Soomaaliya. Waxa uu tilmaamay in Safiirku door muuqda ka qaatay horumarinta wada-xaajoodyo iyo iskaashi wax ku ool ah oo u dhexeeya hay’adaha kala duwan ee labada dal.

Dhankiisa, Safiirka ayaa uga mahadceliyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda soo dhoweyntii, wada-shaqeyntii iyo xiriirkii wanaagsanaa ee uu la yeeshay intii uu xilka hayay. Waxa uu sheegay in uu ku faraxsan yahay horumarka laga sameeyay xiriirka labada dal, isla markaana uu sii xoojin doono xiriirkaas mustaqbalka, inkastoo uu xilka ka dagayo.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa ugu dambeyn u muujisay Safiirka mahadcelin buuxda oo ku aaddan shaqadiisii hufnayd iyo kaalintii uu ka qaatay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti. Wasaaraddu waxay u rajeysay mustaqbal ifaya, guulo waaweyn iyo horumar shaqsiyadeed iyo mid xirfadeedba.

Kulankan sagootinta ah ayaa kusoo dhammaaday jawi saaxiibtinimo iyo is-ixtiraam, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen sida ay uga go’an tahay sii wadidda iyo xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal.