Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray barnaamijka maalgelinta taleefannada casriga ah (smartphones), oo ay iska kaashanayaan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud Telecom. Munaasabadda daahfurka oo ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, wakiillo ka socday shirkadaha gaarka loo leeyahay, iyo marti sharaf kale.
Barnaamijkan cusub ayaa ujeedkiisu yahay in la fududeeyo helitaanka taleefannada casriga ah, iyadoo shacabka Soomaaliyeed loo siinayo fursad ay ku heli karaan qalabkan iyagoo ku bixinaya lacag-bixinno yar-yar oo la jaanqaadaya awooddooda dhaqaale. Nidaamkan ayaa ku saleysan isticmaalka lacagta dhijitaalka ah, taas oo si weyn ugu baahsan dalka, islamarkaana fududeynaysa in bulshada kala duwan ay si sahlan uga faa’iideystaan adeeggan.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in hirgelinta barnaamijkan ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu dardargelinayo casriyeynta adeegyada dowladda iyo kobcinta isticmaalka tiknoolajiyadda casriga ah. Waxa uu xusay in helitaanka taleefannada casriga ah ay fure u tahay in shacabka si toos ah u gaaraan adeegyada dowladda ee dhijitaalka ah, sida diiwaangelinta, adeegyada bulshada, iyo helitaanka macluumaadka muhiimka ah.
“Barnaamijkan waxa uu door weyn ka qaadanayaa sidii loo gaarsiin lahaa adeegyada dowladda meel kasta oo dalka ka mid ah, loona hubin lahaa in muwaadiniintu helaan adeegyo hufan oo casri ah,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, isagoo intaas ku daray in uu qeyb muhiim ah ka yahay hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee lagu horumarinayo adeegyada dowliga ah.
Sidoo kale, masuuliyiintii ka hadashay munaasabadda ayaa tilmaamay in barnaamijkan uu leeyahay himilo fog oo ah in muddo laba sano gudahood ah lagu gaarsiiyo ilaa 2 milyan oo qof, taas oo si weyn u xoojin doonta isku-xirka bulshada, isla markaana abuuri doonta fursado dhaqaale oo cusub, gaar ahaan dhallinyarada iyo ganacsatada yaryar.
Dhanka kale, iskaashiga u dhexeeya dowladda iyo Hormuud Telecom ayaa lagu tilmaamay mid tusaale u ah wada-shaqeyn wax ku ool ah oo dhex marta hay’adaha dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay, taas oo muhiim u ah horumarinta kaabeyaasha tiknoolajiyadda iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.
Ugu dambeyn, daahfurka barnaamijkan ayaa muujinaya sida ay dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta adeegyada dhijitaalka ah iyo xaqiijinta in bulshada Soomaaliyeed ay la jaanqaado isbeddellada casriga ah ee dunida, iyadoo la abuurayo jawi u sahla muwaadiniinta in ay si buuxda uga faa’iideystaan fursadaha tiknoolajiyadda.