Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha oo Kulan La Yeeshay Madaxa AUSSOM

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xasan Shire, ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagay xarunta dhexe ee AUSSOM (African Union Support and Stabilisation Mission in Somalia), taas oo ah booqashadiisii ugu horreysay tan iyo markii uu si rasmi ah ula wareegay xilka Agaasimaha Guud.

Booqashadan ayaa muujinaysa muhiimadda ay Wasaaradda Amniga Gudaha siineyso xoojinta iskaashiga caalamiga ah, gaar ahaan hay’adaha Midowga Afrika ee ka taageera Soomaaliya dadaallada lagu sugayo amniga iyo xasilloonida dalka.

Agaasimaha Guud ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa AUSSOM, Danjire El Hadji Ibrahima Diene. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimo muhiim ah oo la xiriira amniga qaranka, xoojinta iskaashiga labada dhinac, iyo dardargelinta howlaha taageerada amni ee ka socda gudaha dalka.

Intii uu socday kulanka, labada dhinac ayaa si qoto dheer uga wada hadlay horumarinta wada-shaqeynta u dhexeysa Wasaaradda Amniga Gudaha iyo AUSSOM, gaar ahaan sidii loo xoojin lahaa taageerada lagu horumarinayo hay’adaha ammaanka Soomaaliya. Waxaa si gaar ah diiradda loo saaray mashruucyada socda ee lagu taageerayo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, oo ay ka mid yihiin barnaamijyo tababar iyo qalabeyn ah oo ay maalgelinayso Dowladda Japan, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadanaya tayeynta iyo awood dhisidda Booliska.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadista wada-shaqeynta dhow ee labada dhinac, iyadoo la isla gartay in la xoojiyo kulamada joogtada ah si loo dardargeliyo qorshayaasha amniga iyo horumarinta awoodda hay’adaha amniga Soomaaliya.

Waxaa la qorsheeyay in mustaqbalka dhow la qabto kulan kale oo dheeraad ah oo u dhexeeya Agaasimaha Guud iyo Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika, si loo sii adkeeyo iskaashiga iyo is-fahamka labada dhinac ee ku saabsan amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa markale muujisay sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee lagu taageerayo dadaallada lagu sugayo nabadgelyada, xasilloonida, iyo horumarka dalka.