Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Abdisalam Ali, ayaa maanta xarunta Wasaaradda ee magaalada Muqdisho ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Suudaan u fadhiya Soomaaliya, Cabdiraxmaan Khaliil Axmed Abakar Afandi.
Kulanka oo ahaa mid muhiim ah ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dal iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada kala duwan. Labada masuul ayaa si gaar ah uga wada hadlay xaaladaha ka taagan gobolka, gaar ahaan dhinacyada amniga, siyaasadda iyo isbeddellada saameynaya Geeska Afrika iyo guud ahaan qaaradda Afrika.
Abdisalam Ali ayaa kulanka ku muujiyay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta xiriirka ay la leedahay Suudaan, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la adkeeyo iskaashiga diblomaasiyadeed, ganacsiga, iyo wada-shaqeynta dhinacyada amniga iyo horumarinta.
Dhankiisa, Cabdiraxmaan Khaliil Axmed Abakar Afandi ayaa adkeeyay sida ay Dowladda Suudaan uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka walaaltinimo ee taariikhiga ah ee kala dhexeeya Soomaaliya, isaga oo xusay in labada dal ay wadaagaan dano iyo himilooyin mideysan oo ku saabsan xasilloonida iyo horumarka gobolka.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay fursadaha lagu ballaarin karo iskaashiga dhinacyada waxbarashada, dhaqaalaha, iyo dhaqanka, si loo xoojiyo xiriirka dadka iyo dowladaha labadaba. Waxaa la isla gartay in la kordhiyo is-dhaafsiga khibradaha iyo iskaashiga hay’adaha dowliga ah, si loo gaaro horumar waara oo labada dal faa’iido u leh.
Ugu dambeyn, kulanka ayaa lagu soo gabagabeeyay is-afgarad ku saabsan in la sii xoojiyo xiriirka diblomaasiyadeed iyo wada-shaqeynta labada dal, iyadoo la dardargelinayo dadaallada lagu horumarinayo xiriirka istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Suudaan.
Home Wararka Maanta Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Suudaan...