Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kulan muhiim ah oo miro-dhal ah kula qaadatay Danjiraha Xuquuqul Insaanka Dowladda Ingiriiska, Eleanvor Sanders. Kulankan ayaa ka mid ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga dhinacyada xuquuqul insaanka ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Ingiriiska.
Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xoojinta wada shaqeynta labada dowladood, gaar ahaan sidii loo sii kordhin lahaa taageerada iyo horumarrada ay Soomaaliya ka sameyneyso arrimaha xuquuqul insaanka, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, iyo horumarinta hay’adaha u xilsaaran ilaalinta xuquuqda aadanaha. Labada dhinac ayaa sidoo kale isla falanqeeyay sidii loo sii ballaarin lahaa iskaashiga caalamiga ah ee taageeraya dib-u-habeynta iyo tayeynta nidaamka xuquuqul insaanka ee dalka.
Danjiraha Xuquuqul Insaanka Dowladda Ingiriiska, Eleanvor Sanders, ayaa kulanka ku muujisay bogaadin ay u hayso horumarrada isdaba joogga ah ee ay Soomaaliya ka gaartay dhanka xuquuqul insaanka. Waxay si gaar ah u ammaantay dadaalka ay Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ku bixisay dhismaha iyo xoojinta Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, kaas oo door muhiim ah ka qaadanaya ilaalinta xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Danjiraha ayaa ku tilmaantay heshiiskii taariikhiga ahaa ee dhowaan lagu saxiixay magaalada Geneva ee u dhexeeyay Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya iyo Xafiiska Sare ee Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay (OHCHR) mid aad muhiim u ah, kaas oo sare u qaadaya iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya ay la leedahay hay’adaha xuquuqul insaanka ee caalamka.
Dhanka kale, Wasiir Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa uga mahadcelisay Dowladda Ingiriiska taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed. Wasiirku waxay xustay in taageeradaasi ay door weyn ka ciyaareyso horumarinta adeegyada xuquuqul insaanka, xoojinta hay’adaha dowliga ah, iyo ilaalinta xuquuqda dadka nugul.
Wasiirku waxay sidoo kale tilmaantay in wada shaqeynta dhow ee ka dhaxeysa Wasaaradda iyo Dowladda Ingiriiska ay tahay mid muhiim u ah horumarinta qorshayaasha qaranka ee ku aaddan xuquuqul insaanka, dib-u-habeynta nidaamka sharciga, iyo kobcinta wacyiga bulshada ee ku saabsan xuquuqda aadanaha. Waxay intaas ku dartay in Soomaaliya ay ka go’an tahay sii wadista dadaallada lagu xoojinayo cadaaladda, sinnaanta, iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.
Ugu dambeyn, kulankan ayaa lagu tilmaamay mid xoojinaya xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Ingiriiska, isla markaana furaya fursado cusub oo lagu sii horumarinayo xuquuqul insaanka iyo adeegyada bulshada ee dalka Soomaaliya.