Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee magaalada Muqdisho ku qaabilay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed, Xuseen Qaasim Yuusuf.
Kulankan ayaa ahaa mid muhiim ah oo diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqeynta iyo iskaashiga dhow ee u dhexeeya Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, si loo horumariyo adeegyada dowladda ee la xiriira socdaalka, jinsiyadda, iyo dukumentiyada rasmiga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Intii uu kulanku socday, labada dhinac ayaa si qoto dheer uga wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin baasaboorada diblomaasiga ah, baasaboorada adeegga (service passports), iyo kuwa rasmiga ah ee dowladda. Waxaa sidoo kale la isla falanqeeyay sidii loo tayeyn lahaa habraacyada socdaalka, loona dardargelin lahaa nidaamyada isdhaafsiga xogaha muhiimka ah ee u dhexeeya labada hay’adood, si loo hubiyo hufnaan, amni, iyo adeegyo si degdeg ah u gaara muwaadiniinta.
Sidoo kale, kulanka ayaa lagu xusay muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada la xiriira maamulka dukumentiyada safarka, si loo yareeyo caqabadaha jira loona fududeeyo adeegyada ay dowladdu siiso shacabka iyo shaqaalaha dowladda ee safarrada dibadda u baxa.
Labada masuul ayaa isla gartay in la dhiso guddi farsamo oo wadajir ah, kaas oo si gaar ah uga shaqeyn doona horumarinta iskaashiga labada hay’adood. Guddigan ayaa loo xilsaari doonaa arrimo ay ka mid yihiin hagaajinta nidaamka dukumentiyada safarka dowladda, xoojinta wada shaqeynta qunsuliyadaha Soomaaliya ee dibadda, iyo fududeynta adeegyada socdaalka iyo jinsiyadda.
Wasiir Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulanka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada shaqeyn joogto ah oo u dhaxeysa hay’adaha dowladda, si loo xaqiijiyo adeegyo tayo leh oo hufan oo ay helaan muwaadiniinta Soomaaliyeed. Dhankiisa, Agaasime Xuseen Qaasim Yuusuf ayaa dhankiisa sheegay in hay’addiisu ay diyaar u tahay xoojinta iskaashiga, si loo horumariyo adeegyada socdaalka iyo jinsiyadda ee dalka.
Ugu dambeyn, kulankan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah horumarinta maamulka dowliga ah, tayeynta adeegyada shacabka, iyo xoojinta wada shaqeynta hay’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya.