Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa soo saaray amarro adag oo la xiriira bannaanbaxa la qorsheeyay in berri uu ka dhaco magaalada Muqdisho, iyadoo dowladda ay qaaday tallaabooyin dheeraad ah oo lagu xaqiijinayo amniga caasimadda.
Wasiirka ayaa sheegay in hay’adaha ammaanka dalka si rasmi ah loo faray inay xoojiyaan sugidda amniga guud ee Muqdisho, isla markaana ay muujiyaan feejignaan dheeraad ah si looga hortago fal kasta oo khatar gelin kara nabadda, xasilloonida iyo badqabka shacabka.
Mudane Fartaag ayaa carrabka ku adkeeyay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ixtiraamayso xuquuqda muwaadiniinta ee ku aaddan aragtidooda iyo cabashadooda, balse ay muhiim tahay in bannaanbaxyadu u dhacaan si nabad ah oo waafaqsan sharciga dalka, iyadoo aan la oggolaan doonin wax rabshado ah ama falal amni darro abuuri kara.
Wasiirka ayaa sidoo kale digniin adag u diray cid kasta oo isku dayda inay ka faa’iideysato bannaanbaxa si ay u huriso qalalaase, u carqaladeyso amniga, ama ay u sameyso falal lidi ku ah dowladnimada iyo xasilloonida dalka. Wuxuu sheegay in ciidamada ammaanka ay diyaar u yihiin ilaalinta shacabka iyo sugidda amniga goobaha muhiimka ah ee caasimadda.
Dhanka kale, hay’adaha ammaanka ayaa bilaabay qorsheyaal lagu kordhinayo ciidamo dheeraad ah oo la geeyo waddooyinka waaweyn, xarumaha dowladda iyo goobaha la filayo inay dadku isugu yimaadaan, si loo xaqiijiyo in xaaladda amni ay ahaato mid deggan inta uu bannaanbaxu socdo.
Ugu dambeyn, Wasiirka Amniga Gudaha XFS, General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, isla markaana ay ka fogaadaan wax kasta oo sababi kara qalalaase ama amni darro, si loo ilaaliyo nabadda iyo wadajirka bulshada.