Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta oo Khamiis ah si rasmi ah u furay kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle, kadib markii xildhibaanada ay ka soo laabteen fasax laba bilood ah oo ay ku maqnaayeen.
Munaasabadda frutaanka waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Baarlamaanka Golaha Shacabka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta gaaray Jowhar, Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre Maxamed iyo xubno kale.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed oo khudbad soo dhoweyn ah ka jeediyay munaasabadii furitaanka ayaa sheegay in xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeelle ay horyaalaan shaqooyin badan oo loo baahan yahay in laga wax laga qabto.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Qaranka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo khudbad u jeediyay xildhibaanada Hirshabeelle ayaa waxa uu kula dardaarmay xildhibaanada Hirshabeelle inay howlahooda shaqo si waafi ah u gutaan.
Hoggaamiyaha Hirshabeelle oo maanta dib ugu laabtay magaalada Jowhar ayaa furay kalfadhiga 4-aad ee baarlamaanka Hirshabeelle, wuxuuna jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysay, isaga oo ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin amniga, dib u dhiska iyo siyaasadda.
“Waxa aan dooneynaa in dhowaan amniga guud ahaan Hirshabelle nabad lagu soo dabaalo isla markaana aan ka xoreyno kooxaha” Ayuu yiri Madaxweyne Waare oo ka hadlayay arrimaha Amniga.
Madaxweyne Waare ayaae ugu dambeyn sheegay in dhowaan laga hirgelin doono caasimada Hirshabelle xarun ay leeyihiin Golaha Shacabka iyo xarumo kale oo ay wasaaradaha ku shaqeyn doonaan.