Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Safiirka United Kingdom ee Somalia iyo U qeybsanaha Arrimaha Difaaca ee Safaaradda UK, iyadoo kulankaasi uu qeyb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga amni iyo difaac ee u dhexeeya labada dal.
Kulanka ayaa si qoto dheer diiradda loogu saaray xaaladda guud ee amniga dalka, howlgalada socda ee lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada, dib u habeynta iyo casriyeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyo qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira la wareegidda guud ahaan masuuliyadda amniga dalka. Labada dhinac ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo qorshayaasha lagu dhisayo ciidan Soomaaliyeed oo awood buuxda u leh sugidda amniga iyo difaaca qaranka.
Waxaa sidoo kale kulanka lagu falanqeeyay xoojinta taageerada Sanduuqa SNA Trust Fund, horumarinta qorshayaasha difaaca, mideynta iyo tayeynta la-talinta ciidamada, iyo kordhinta fursadaha tababarrada casriga ah ee la siinayo ciidamada Soomaaliyeed. Dowladda UK ayaa mar kale caddeysay sida ay uga go’an tahay taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, tababarka ciidamada iyo horumarinta hay’adaha difaaca dalka.
Taliyaha Ciidanka XDS, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa dowladda UK uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay siiso Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isagoo si gaar ah u xusay kaalinta ay ka qaadato dhismaha xarumaha tababarka, qalabeynta ciidamada, horumarinta aqoonta iyo xirfadaha ciidanka, iyo kor u qaadista awoodda ciidamada Soomaaliyeed si ay u gutaan waajibaadkooda qaran.
Ugu dambeyn, Taliyaha ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii joogteynta iskaashiga labada dhinac ee dhinacyada amniga, difaaca iyo la dagaallanka argagixisada, isagoo xusay in wada shaqeynta caalamiga ah ay door weyn ka qaadaneyso xasillinta dalka iyo xaqiijinta amni waara oo Soomaaliya ay gaarto.