Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS, Xilidhibaan Maxamed Faarax Nuux, ayaa maanta si rasmi ah raalligelin ugu bixiyey shacabka Soomaaliyeed ee adeegsada Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, isagoo ka jawaabaya ciladaha joogtada ee ku yimid adeegyadii garoonka.
Wasiirka ayaa u sheegay in shirkadda Favori ay ku Guul daraysatay dhamaystir ka mas’uuliyaddii maamul ee garoonka, taasna ay tahay arin Soo noq noqtay oo aan waafaq sanayn heshiiskii caalamiga ahaa ee ay la gashay Dawladda Federaalka Soomaaliya.
Qodobbada muhiimka ah ee uu Wasiirku taabtay:
Xuquuqda Socotada: Wasiirka ayaa uga digay shirkadaha diyaaradaha inay ku tacaddiyaan muwaadiniinta ay u adeegayaan. Waxa uu ballan-qaaday in lala xisaabtami doono shirkad kasta oo ku xad-gudubta xuquuqda iyo adeegga ay u baahan yihiin musaafuriinta.
Wasiirka: Waxa uu amar ku bixiyey in dhammaan shirkadaha ka shaqeeya gudaha Airport-ka, gaar ahaan kuwa nadaafadda, inay ilaaliyaan bilicda iyo sharafta Muraayada Dalka, iyadoo aan loo dulqaadan doonin dayacaad kasta oo saameynaysa sumcadda Garoonka .
Muddada: Wasiirka ayaa xusay in kulamo dhacay 5-tii ilaa 6-dii bishan May ay shirkadda Favori ku qiratay fashilka jira, loona qabtay muddo ay wax kaga qabato. Waxaa hadda ka dhiman 7 maalmood oo kaliya.
Ugu dambayn, Wasiirka ayaa caddeeyey haddii aanay waxba isbeddelin muddadaas yar ee u hartay, inay Dawladda Soomaaliya qaadi doonto tallaabooyin sharci ah oo degdeg ah si loo badbaadiyo adeegga Garoonka Aadan Cadde.
Shirkadda Fafoori ee maamusha garoonka diyaaradaha dhowr jeer waxaa cabasho ka keenay shaqaalaha iyo shacabka Soomaaliyeed iyadoo lagu eedeeyay adeeg xumo iyo in aysan ilaalin xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed ee ka shaqeeya garoonka diyaaradaha Aadan Cadde