Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo kulan muhiim ah la yeelatay Safiirka United Kingdom ee Somalia

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryan Qaasim, ayaa kulan muhiim ah la yeelatay Safiirka United Kingdom ee Somalia, Charles King, iyadoo kulankaasi uu diiradda ku saabsanaa xoojinta iskaashiga dhinacyada xuquuqul insaanka, horumarinta hay’adda, iyo taageerada lagu dhisayo awoodda Guddiga.

Kulanka ayaa si gaar ah loogu falanqeeyay mudnaanta arrimaha xuquuqda aadanaha ee dalka, iyadoo labada dhinac ay isla garteen muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybaha bulshada ee nugul sida haweenka, carruurta, barakacayaasha iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Sidoo kale, waxaa si qoto dheer looga hadlay xoojinta nidaamka isla-xisaabtanka, ilaalinta xorriyadda hadalka iyo aragtida, iyo sidii loo horumarin lahaa hay’adaha u xilsaaran ilaalinta xuquuqda aadanaha si ay u gutaan waajibaadkooda si hufan oo waafaqsan mabaadii’da caalamiga ah ee Paris Principles.

Dr. Maryan Qaasim ayaa si weyn u soo dhaweysay doorka Dowladda UK ay ka qaadato taageerada arrimaha xuquuqul insaanka Soomaaliya, iyadoo xustay in taageeradaasi ay kaalin muhiim ah ka qaadaneyso adkeynta sarreynta sharciga, kobcinta isla-xisaabtanka, iyo ilaalinta xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Waxay sidoo kale tilmaantay in Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka uu u baahan yahay taageero joogto ah oo dhanka farsamada, tababarrada, iyo dhismaha awoodda hay’adaha ah si loo xaqiijiyo in Soomaaliya ay yeelato nidaam xuquuqul insaan oo dhammaystiran oo waafaqsan heerarka caalamiga ah.

Ugu dambeyn, labada dhinac ayaa ku heshiiyay sii wadista iyo xoojinta iskaashiga wadajirka ah, si loo hormariyo ilaalinta xuquuqda aadanaha, loona taageero dadaallada lagu dhisayo dowlad ku dhisan cadaalad, hufnaan iyo ixtiraamka xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed.