Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Abdi Ali, oo matalayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hassan Sheikh Mohamud, ayaa ka qeyb galay shir madaxeedka Africa Forward Summit 2026, oo qeyb ka ah Shirka Horumarinta Iskaashiga Afrika iyo Faransiiska, kaas oo maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Shirkan heerkiisu sarreeyo ayaa waxaa ka qeyb galay madax dowladeed, wasiirro, diblomaasiyiin iyo saraakiil sare oo ka kala socday dalalka Afrika iyo caalamka, kuwaas oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhinacyada badan leh, dardargelinta dib u habeynta hay’adaha maamul ee caalamiga ah, iyo dhismaha nidaam caalami ah oo loo dhan yahay kana turjumaya matalaad caddaalad ah oo ay helaan Afrika iyo dalalka soo koraya.
Shirweynaha Africa Forward Summit 2026 ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Afrika iyo France, gaar ahaan dhinacyada hal-abuurka, maalgashiga, horumarinta dhaqaalaha, kobcinta ganacsiga iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee dalalka Afrika iyo Faransiiska. Shirkan ayaa halku-dhiggiisu ahaa “France Partnership for Innovation and Growth”, waxaana si weyn loogu falanqeeyay sidii loo abuuri lahaa iskaashi waara oo horseeda horumar dhaqaale iyo maalgashi loo siman yahay.
Kulanka ayaa sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynaha Dowladda Faransiiska, wasiirrada arrimaha dibadda iyo gaashaandhigga ee dalal badan oo Afrikaan ah, Guddoomiyaha African Union, madaxda urur goboleedka Intergovernmental Authority on Development iyo marti sharaf kale oo heer caalami ah.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa shirkan uga qeyb galay wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, waxaana ku wehlinayay Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Kenya, Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle, xubno ka tirsan diblomaasiyiinta safaaradda iyo masuuliyiin kale oo ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.
Ka qeybgalka Soomaaliya ee shirkan ayaa muujinaya dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, soo jiidashada maalgashiga caalamiga ah, iyo ka qeyb qaadashada doodaha muhiimka ah ee la xiriira horumarka iyo mustaqbalka Afrika.