Taliyaha Ciidanka XDS Oo Gaaray Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa goor dhaw gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Safarka Taliyaha ayaa la xiriira dardargelinta howlgalada ka socda deegaannada maamulka Koonfur Galbeed State, kuwaasi oo lagu beegsanayo kooxaha nabadiidka ah ee weli dhibaatooyinka amni ka wada qeybo kamid ah gobolka.

Wararka laga helayo Baydhabo ayaa sheegaya in Taliyuhu uu kulamo la qaadan doono saraakiisha ciidamada, maamulka gobolka iyo masuuliyiin kale, si loo xoojiyo wada shaqeynta ciidamada iyo qorshaha lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada.

Sidoo kale, waxaa la filayaa in Taliyaha Ciidanka XDS uu booqdo fariisimo ciidan iyo furimaha hore ee dagaalka, si uu ugu kuurgalo xaaladda ciidamada iyo howlgalada socda. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe kordhisay howlgallada ka dhanka ah nabadiidka, iyadoo ciidamada qalabka sida ay guulo ka sheegteen dagaallo ka dhacay gobollo dhowr ah.