Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarumaha iyo waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda, isagoo u kuurgalay habsami u socodka howlaha shaqo iyo adeegyada ay bulshada u hayaan.
Intii uu kormeerka ku guda jiray, Wasiirka ayaa warbixinno faahfaahsan ka dhageystay agaasimayaasha, madaxda qeybaha iyo howlwadeennada Wasaaradda, kuwaasi oo uga warbixiyay shaqooyinka socda, caqabadaha jira iyo qorshayaasha horumarineed ee horyaalla Wasaaradda. Wasiirka ayaa ku ammaanay shaqaalaha dadaalka ay ugu adeegayaan Qaranka, isagoo ku dhiirrigeliyay inay sii laba jibbaaraan shaqada muhiimka ah ee ay bulshada Soomaaliyeed u hayaan.
Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa si gaar ah u adkeeyay muhiimadda ay Wasaaraddu u leedahay horumarinta Warbaahinta Qaranka, mideynta fariimaha Dowladda, wacyigelinta bulshada, ilaalinta dhaqanka iyo hidaha Soomaaliyeed, iyo sidoo kale horumarinta dalxiiska dalka. Waxa uu xusay in Wasaaraddu door weyn ka ciyaarto xoojinta xiriirka Dowladda iyo shacabka.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa bogaadiyay doorka ay Warbaahinta Qaranku ka qaadatay tabinta doorashooyinkii qof iyo codka ahaa ee dhowaan ka dhacay deegaannada Koonfur Galbeed State, isagoo tilmaamay in warbaahintu ay laf-dhabar u tahay gaarsiinta xogta saxda ah iyo kor u qaadidda wacyiga bulshada.
Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa ballan qaaday inuu xoogga saari doono dardargelinta howlaha Wasaaradda, tayeynta adeegyada Warbaahinta Qaranka iyo hirgelinta qorshayaal lagu horumarinayo warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya.