Taliyaha Ciidanka XDS Iyo Hoggaanka Koonfur Galbeed Oo Ka Shiray Adkeynta Amniga Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa magaalada Baydhabo kulan kula yeeshay Hoggaamiyaha Kumeel gaarka ah ee Koonfur Galbeed State Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji, iyadoo kulanka diiradda lagu saaray adkeynta iyo xaqiijinta amniga magaalada Baydhabo iyo dardargelinta howlgalada ka dhanka ah kooxaha nabadiidka ah.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta ciidamada qalabka sida iyo maamulka Koonfur Galbeed, si loo kordhiyo howlgalada lagu baacsanayo maleeshiyaadka nabad-diidka ah ee dhibaatooyinka amni ka wada deegaannada maamulkaasi.

Taliyaha Ciidanka XDS S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa xusay in ciidamada xoogga dalka ay wadaan qorsheyaal lagu dardargelinayo howlgalada ka socda deegaannada Koonfur Galbeed, si looga ciribtiro kooxaha argagixisada ah ee shacabka dhibaateeya. Waxa uu tilmaamay in ciidamada ay heegan buuxa ku jiraan isla markaana ay sii labanlaabi doonaan dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida gobolka.

Dhankiisa, Hoggaamiyaha Kumeel gaarka ee maamulka Koonfur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji ayaa bogaadiyay doorka ciidamada xoogga dalka ee ku aaddan sugidda amniga iyo la dagaallanka nabadiidka, isagoo ballan qaaday in maamulka uu si dhow ula shaqeyn doono ciidamada si loo xaqiijiyo amni waara.

Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa muddooyinkii dambe howlgalada ka dhanka ah nabadiidka ka waday deegaanno kamid ah Koonfur Galbeed, waxaana la sheegay inay guulo ka gaareen dagaallo iyo howlgallo qorsheysan oo lagu burburinayo fariisimada kooxahaasi.