Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise Guutaale, ayaa maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka daah-furay Shirkii 4-aad ee Guddiga Hagidda Mashruuca EU SFA TA, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta daahfurnaanta iyo isla-xisaabtanka maamulka maaliyadda guud ee Soomaaliya.
Shirka ayaa lagu falanqeeyey horumarka laga sameeyey mashruuca, caqabadaha wali jira, iyo qorshayaasha lagu sii xoojinayo hufnaanta iyo isla-xisaabtanka maaliyadeed ee hay’adaha dowladda. Kulanka ayaa sidoo kale lagu adkeeyey muhiimadda wada-shaqeynta u dhexeysa xafiisyada Hantidhowrka Guud ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed.
Masuuliyiinta ka qeyb galay shirka ayaa isla gartay in la sii laba jibbaariyo dadaallada lagu horumarinayo nidaamka maaliyadeed ee dalka, si loo helo hannaan maamul oo hufan, daahfuran, isla markaana lagu kalsoonaan karo.
Hantidhowraha Guud ayaa bogaadiyey taageerada Midowga Yurub ee ku aaddan dhismaha iyo tayeynta hay’adaha Hantidhowrka, isagoo xusay in taageeradaasi ay door weyn ka qaadaneyso kor u qaadidda awoodda hay’adaha dowliga ah iyo ilaalinta kheyraadka guud ee shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in wada-shaqeynta u dhexeysa dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ay muhiim u tahay dhismaha hannaan baariseed oo madax-bannaan, xirfad leh, kana shaqeeya ilaalinta hantida qaranka iyo xoojinta kalsoonida shacabka.