Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi, ayaa shir guddoomiyey kullanka toddobaadlaha ah ee Hoggaannada, Qeybaha iyo Fadhiyada Madaxa-bannaan ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, kulan muhiim ah oo toddobaadkan diiradda lagu saaray xoojinta amniga guud ee dalka, gaar ahaan sugidda amniga goobaha loo asteeyey in lagu qabto munaasabadda xuska Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May.
Kulankan oo ay kasoo qeyb galeen saraakiisha kala duwan ee hoggaannada Booliiska, ayaa lagu lafaguray qorsheyaasha lagu xaqiijinayo badqabka shacabka iyo sidii loo adkeyn lahaa ammaanka inta lagu guda jiro munaasabadda 15-ka May, oo ah maalin qiimo weyn ugu fadhisa dhalinyarada Soomaaliyeed, laguna xasuusto halgankii iyo doorkii ay dhalinyaradu ku lahaayeen dowlad-dhiska iyo xorriyadda dalka.
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa saraakiisha faray inay laba jibaaraan dadaallada lagu sugayo amniga, isla markaana si dhow loola socdo xaaladaha amni ee caasimadda iyo goobaha kale ee lagu qabanayo munaasabadaha xuska. Waxa uu sidoo kale adkeeyey muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta ka dhaxeysa qeybaha kala duwan ee laamaha amniga si looga hortago falal kasta oo lid ku ah nabadgelyada dalka.
Intii uu kullanku socday, waxaa warbixinno la xiriira howlaha amniga iyo shaqooyinka socda laga dhageystay Taliyaha Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir, oo ka hadlay xaaladda amni ee caasimadda Muqdisho iyo qorsheyaasha lagu xaqiijinayo amniga shacabka. Sidoo kale, Taliyaha Hoggaanka Baarista Dembiyada ayaa soo bandhigay warbixin ku saabsan baaritaannada dambiyada kala duwan iyo tallaabooyinka lagu dardargelinayo cadaaladda.
Dhanka kale, Taliska La-dagaallanka Argagixisada ayaa kulanka kusoo bandhigay warbixin ku saabsan dadaallada lagu xakameynayo kooxaha argagixisada iyo howlgallada socda ee lagu sugayo amniga guud ee dalka. Saraakiisha ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay feejignaan joogto ah iyo in shacabka ay ciidamada kala shaqeeyaan sugidda nabadgelyada.
Gabagabadii kulanka, Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa ku bogaadiyey saraakiisha iyo ciidamada howlaha adag ee ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ku dhiirrigeliyey inay sii xoojiyaan dadaallada lagu xaqiijinayo amni waara iyo kala dambeyn guud oo dalka ka hanaqaada.