Golaha Dhaqaalaha Qaranka Soomaaliya iyo Kenya Vision 2030 oo Kawada Hadlay Iskaashi Dhaqaale iyo Hiigsiyada Qaranka

Wafdi ka socday Golaha Dhaqaalaha Qaranka ee Soomaaliya ayaa kulan muhiim ah la yeeshay hay’adda Kenya Vision 2030 Delivery Secretariat, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga dhinacyada qorsheynta muddada fog, horumarinta hiigsiyada qaran iyo is-dhaafsiga khibradaha la xiriira kobaca dhaqaalaha iyo horumarka waara.

Wafdiga Soomaaliya waxaa hoggaaminayay Dr. Xasan Aadan Hoosow, Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka ahna La-Taliyaha Dhaqaalaha ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Dhanka Kenya, kulanka waxaa hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee Kenya Vision 2030 Delivery Secretariat, Mr. James Maina.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii labada dal ay u xoojin lahaayeen wada-shaqeynta la xiriirta qorsheynta istaraatiijiyadeed ee muddada dheer, gaar ahaan hiigsiyada qaran ee lagu hagayo horumarka dhaqaale, maalgashiga iyo kobcinta adeegyada bulshada. Dowladda Kenya ayaa kulanka ku sheegtay in ay haatan ku guda jirto horumarinta qorshaha cusub ee Vision 2063, iyadoo muujisay daneyn ay u qabto ka faa’iideysiga talooyinka iyo khibradaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka Soomaaliya.

Dr. Xasan Aadan Hoosow ayaa tilmaamay in iskaashigan uu muhiim u yahay labada dal, gaar ahaan dhinacyada kobcinta aqoonta farsamo, wadaagga waayo-aragnimada iyo taageeridda dadaallada lagu xaqiijinayo horumar dhaqaale oo waara. Waxa uu sidoo kale xusay in Soomaaliya ay ka go’an tahay dhisidda hannaan dhaqaale oo casri ah oo ku saleysan qorshe fog iyo iskaashi heer gobol ah.

Labada dhinac ayaa ugu dambeyn isku raacay in la sii xoojiyo iskaashiga farsamo ee ku saabsan hiigsiyada qaran, qorsheynta horumarka iyo barnaamijyada kobcinta dhaqaalaha, si loo gaaro horumar waara oo faa’iido u leh shacabka labada dal.