Taliye Ku-xigeenka Booliska Soomaaliya oo Dalacsiiyay Ciidamo ka Howlgala Bajeela

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Cismaan Cabdullahi Maxamed Kaniif, ayaa kormeer shaqo ku tagay magaalada Bajeela ee gobolka Mudug, halkaas oo uu ku dalacsiiyay qaar ka tirsan ciidamada booliska deegaanka ee ka howlgalka degmadaasi.

Taliye Kaniif ayaa sheegay in ciidamada la dalacsiiyay ay door weyn ka qaateen dagaalladii ka dhanka ahaa Al-Shabaab ee laga fuliyay deegaannada Galmudug, gaar ahaan howlgaladii lagu xaqiijinayay amniga iyo xasilloonida gobolka. Ciidamadaasi ayaa min labo darajo loo dallacsiiyay, iyadoo lagu abaalmariyay geesinimada iyo dadaalka ay muujiyeen intii ay socdeen dagaallada lagu ciribtirayay kooxaha nabad-diidka ah.

Sidoo kale, Taliye ku-xigeenka Booliska Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqay in Taliyaha cusub ee Rugta Booliska Bajeela uu noqday Cismaan Daahir Ibraahim, kaas oo ka mid ahaa saraakiishii maanta la dalacsiiyay, isla markaana lagu tilmaamay tiir muhiim ah oo qeyb weyn ka qaatay halgankii amniga lagu sugayay magaalada Bajeela.

Magacaabista taliyaha cusub ayaa timid kadib markii isbeddel shaqo loogu sameeyay taliyihii hore ee Rugta Booliska Bajeela, Ahmed Xuseen Rooble Saagal, kaas oo loo wareejiyay magaalada Muqdisho.

Taliye Kaniif ayaa ku ammaanay Axmed Xuseen Rooble (Saagal) inuu ahaa sarkaal firfircoon oo leh karti, dulqaad iyo hoggaan wanaagsan, isagoo xusay doorkii muuqday ee uu ku lahaa sugidda amniga iyo maamulka ciidamada booliska ee deegaanka Bajeela.