Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), SoDMA, ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay gargaar raashin ah oo ay soo dirtay Dowladda Ruushka.
Gargaarkan oo dhan 25 tan ayaa waxaa dowladda Ruushka ku wareejiyay Safiirka Federaalka Ruushka ee Soomaaliya iyo Jabuuti, Mikhail Golovanov, oo booqasho shaqo ku joogay dalka Soomaaliya.
Gargaarkan ayaa loogu talagalay in lagu taageero shacabka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen duruufaha bini’aadannimo, gaar ahaan kuwa wajahaya baahiyaha degdegga ah ee nolosha. Hay’adda SoDMA ayaa la wareegtay maamulka iyo qeybinta gargaarkan, iyadoo hormuud ka ah dadaallada gurmadka iyo maareynta musiibooyinka dalka.
Safiir Mikhail Golovanov ayaa sheegay in Dowladda Ruushka ay sii wadi doonto taageerada ay la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan xilliyada adag ee ay jiraan xaalado bani’aadannimo iyo baahiyo degdeg ah oo ka dhasha musiibooyinka dabiiciga ah iyo duruufaha kale.
Dhankiisa, Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa uga mahadceliyay Dowladda Ruushka gargaarkan, isagoo xusay in ay tahay taageero muhiim ah oo kaalin ka qaadanaysa yareynta baahiyaha shacabka Soomaaliyeed. Waxa uu sidoo kale tilmaamay in hay’addu ay sii wadi doonto dadaallada gurmadka iyo gaarsiinta gargaar degdeg ah oo loo fidiyo dadka tabaalaysan ee dalka ku nool.