Wasiirka Warfaafinta XFS oo Kulan Muhiim ah La Qaatay Hoggaanka iyo Saraakiisha Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Agaasimaha Guud, Agaasimayaasha, Maareeyayaasha iyo Lataliyeyaasha Wasaaradda, iyadoo kulanka diiradda lagu saaray howlaha shaqo ee horyaalla Wasaaradda iyo sidii loo xoojin lahaa hufnaanta adeegyada ay bulshada u hayso.

Kulanka oo ahaa isbarasho iyo kala warqaadasho kooban ayaa intii uu socday Wasiirku masuuliyiinta kala hadlay muhiimadda ay leedahay xoojinta dadaallada shaqo iyo dardargelinta wada shaqeynta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda, si loo gaaro yoolalka iyo qorshayaasha horumarineed ee Wasaaradda u degsan.

Wasiir Cabdulfataax Qaasim Maxamuud ayaa sidoo kale adkeeyey muhiimadda ay leedahay isla xisaabtanka, hufnaanta shaqada, iyo tayeynta adeegyada warbaahineed iyo kuwa dhaqanka iyo dalxiiska, si shacabka Soomaaliyeed loo gaarsiiyo adeegyo waxtar leh oo tayo sare leh.

Mas’uuliyiintii kulanka ka qeyb gashay ayaa dhankooda soo dhaweeyey tilmaamaha iyo dadaallada Wasiirka, iyagoo muujiyey diyaar garow ay ku xoojinayaan wada shaqeynta iyo hirgelinta qorshayaasha Wasaaradda. Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo shaqada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS.