Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Ka Qayb-galay Xuska Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Ilyas Osman Lugatoor, ayaa ka qayb-galay munaasabad ballaaran oo lagu xusayey 15-ka May oo ku beegan maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed. Munaasabaddan ayaa waxaa soo qaban-qaabisay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland oo kaashaneysa Dalladda Dhallinyarada Puntland ee (PYAN).

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan dowladda, ururrada dhallinyarada, qeybaha bulshada iyo marti sharaf kale, iyadoo lagu soo bandhigay doorka muhiimka ah ee dhallinyaradu ku leeyihiin horumarka bulshada iyo dhismaha mustaqbalka dalka.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Ilyas Osman Lugatoor, oo munaasabadda ka hadlay ayaa hambalyo u diray dhammaan dhallinyarada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, isaga oo bogaadiyey kaalinta muuqata ee ay kaga jiraan horumarinta bulshada, hal-abuurka, iyo difaaca dalka.

Sidoo kale wuxuu dhallinyarada ku dhiirrigeliyey inay sii laba jibbaaraan dadaalladooda ku aaddan waxbarashada, shaqo-abuurka iyo ka qeyb qaadashada dowlad dhiska, si loo gaaro horumar waara iyo mustaqbal ifaya oo ay Soomaaliya yeelato.

Xuska 15-ka May ayaa sanad walba lagu maamuusaa gudaha Soomaaliya iyo dibaddeeda, waxaana loo asteeyey maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed si loo xuso doorka ay dhallinyaradu ku leeyihiin horumarka iyo midnimada bulshada Soomaaliyeed.