Qaramada Midoobay oo Sheegtay in Soomaaliya Gashay Marxalad Kala Guur ah

Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday in Soomaaliya ay gashay marxalad kala guur ah, kaddib markii wadahadallo siyaasadeed oo muhiim ahaa ay kusoo dhammaadeen natiijo la’aan.

Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in weli xal laga gaari waayay khilaafaadyo muhiim ah oo hareeyay arrimaha siyaasadda iyo geeddi-socodka dowladda.

“Waa wax laga xumaado in markale uu wadahadalka kusoo dhammaaday iyadoo aan xal loo helin khilaafaadkii muhiimka ahaa ee taagnaa,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday dhinacyada siyaasadda Soomaaliya inay sii wadaan wada hadallada iyo dadaallada lagu xallinayo khilaafaadka jira, si loo ilaaliyo xasilloonida dalka iyo geeddi-socodka dowlad dhiska.

Sidoo kale, bayaanka ayaa lagu adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la helo is-afgarad siyaasadeed oo mideeya dhammaan dhinacyada, si looga gudbo caqabadaha jira loona xaqiijiyo mustaqbal siyaasadeed oo deggan.