Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamsa Abdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Yemen u fadhiya Soomaaliya, Mudane Faadil Cali Axmed Al-Xanak.
Kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha Yemen ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan iskaashiga soo jireenka ah ee dhinacyada amniga, la-dagaallanka tahriibka, iyo arrimaha socdaalka. Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga bulshada iyo xiriirka qotada dheer ee labada shacab.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya iyo Yemen ay leeyihiin xiriir diblomaasiyadeed, ganacsi iyo mid bulsho oo soo jireen ah, kaas oo taariikh dheer leh. Wuxuu sheegay in labada dal ay si wadajir ah uga shaqeynayaan horumarinta iskaashiga gaar ahaan dhinacyada amniga, ganacsiga, socdaalka, iyo isticmaalka dekedaha iyo hawada.
Dhankiisa, Danjiraha Yemen u fadhiya Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha qaabilaadda uu u sameeyay, isagoo sidoo kale bogaadiyay horumarka ay Soomaaliya ka sameyneyso dhinacyada amniga, dowlad-dhiska, iyo dimuqraadiyadda. Wuxuu xusay in Yemen ay si dhow ula socoto dadaallada dib-u-soo kabashada Soomaaliya, ayna diyaar u tahay in ay sii xoojiso iskaashiga labada dal.
Kulankan ayaa kusoo dhammaaday isfaham iyo ballanqaad ah in la sii dardargeliyo xiriirka iyo iskaashiga labada dowladood.