Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta kormeer shaqo ugu tagay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo tababar ciidan uga socdo Dugsiga Tababarka Xanan Buure ee magaalada Caabudwaaq.
Kormeerkan waxaa Taliyaha ku wehlinayay Taliyaha Qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Col. Maxamed Dhagawayne, iyo saraakiil kale oo sar sare oo ka tirsan ciidanka, kuwaas oo si dhow ula socday xaaladda guud ee tababarka iyo heerka ay marayaan ciidamada lagu diyaarinayo dugsiga.
Ujeeddada kormeerka ayaa ahayd mid lagu dardargelinayo tayada tababarka ciidamada, isla markaana lagu xaqiijinayo in cutubyada tababarka ku jira ay helaan aqoon iyo xirfad buuxda oo ay ugu adeegaan dalka. Sidoo kale kormeerkan ayaa diiradda lagu saaray u kuurgelidda xaaladda nololeed ee ciidamada, sida ay u socdaan casharrada tababarka, iyo sida ay uga faa’iideysanayaan barnaamijyada kala duwan ee lagu dhisayo awoodda ciidanka.
Intii uu kormeerku socday, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa si toos ah ula hadlay ciidamada tababarka ku jira, isagoo ku dhiirrigeliyay in ay muujiyaan dadaal dheeraad ah, isla markaana ay sare u qaadaan anshaxa milatari, hufnaanta shaqada, iyo diyaar-garowga difaaca dalka.
Taliyuhu waxa uu xusay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay noqdaan kuwo leh karti sare, aqoon milatari oo dhammaystiran, iyo diyaar u ahaansho buuxda oo ay kaga hortagaan cadowga dalka, gaar ahaan kooxaha Khawaarijta ah ee weli ku dhuumaaleysanaya qaar ka mid ah deegaannada dalka.
Sidoo kale, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa ciidamada ku boorriyay in ay ka shaqeeyaan xoojinta midnimada, wadashaqeynta iyo kala dambeynta, maadaama ay yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee lagu gaaro guulaha milatari. Waxa uu sidoo kale carabka ku adkeeyay in ciidamada laga doonayo inay noqdaan kuwo mar walba u taagan difaaca shacabka iyo ilaalinta nabadda guud ee dalka.
Gabagabadii kormeerka, Taliyaha iyo saraakiishii la socotay ayaa si guud u bogaadiyay dadaalka ay wadaan macallimiinta iyo saraakiisha tababarka bixinaya, iyagoo sheegay in horumar muuqda laga dareemayo tayada iyo diyaar-garowga ciidamada tababarka ku jira.