Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa maanta kulan dhiirrigelin ah u sameeyay gabdhaha da’yarta ah ee Xulka Qaranka Soomaaliya ee 17-jirada, kuwaas oo si adag ugu jira diyaargarowga tartanka Kubadda Cagta ee CECAFA U-17, kaas oo lagu wado inuu ka dhaco dalka Tanzania bisha lixaad ee sanadkan.
Kulankan ayaa ahaa mid loogu talagalay in lagu dhiirrigeliyo ciyaartoyda da’yarta ah, laguna xoojiyo niyaddooda iyo kalsoonidooda ka hor tartanka caalamiga ah ee ay dalka ku matalayaan. Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed ayaa si gaar ah u bogaadiyay dadaalka iyo kartida ay muujinayaan gabdhaha xulka qaranka, isagoo ku tilmaamay inay yihiin astaan muujinaysa horumarka ay Soomaaliya ka sameyneyso dhinaca ciyaaraha haweenka.
Kulanka dhiirrigelinta ah waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Marwo Dahabo Suusow, iyo hoggaanka sare ee Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, kuwaas oo iyaguna si wadajir ah u muujiyay taageerada ay u hayaan xulka gabdhaha da’yarta ah.
Mas’uuliyiintii kulanka ka qeyb galay ayaa dhammaantood carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la taageero ciyaartoyda da’yarta ah, gaar ahaan gabdhaha, si loo horumariyo kubadda cagta dalka iyo in la dhiirrigeliyo ka qeybgalka haweenka ee ciyaaraha heer qaran iyo mid caalami ah.
Taliyaha Booliiska ayaa kula dardaarmay ciyaartoyda in ay muujiyaan dadaal dheeraad ah, anshax wanaagsan, iyo isku xirnaan kooxeed, si ay ugu matalaan dalka Soomaaliya si sharaf leh oo ay uga soo dhalaalaan tartanka CECAFA U-17. Waxa uu sidoo kale xusay in guusha ay ku gaaraan garoomada ay noqon doonto mid dhiirrigelin u noqota jiilka cusub ee gabdhaha Soomaaliyeed.
Gabagabadii, kulanka ayaa kusoo dhammaaday jawi dhiirrigelin iyo farxad leh, iyadoo dhammaan dhinacyadu ay muujiyeen rajo weyn oo ku aaddan waxqabadka xulka gabdhaha Soomaaliya ee tartanka soo socda.