Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta Soomaaliya Oo Kulan La Qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed Ee Sweden

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo safar shaqo ku jooga qaaradda Yurub ayaa kulan gaar ah la yeeshay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Gothenburg ee dalka Sweden. Kulanka oo ahaa mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka, horumarka dowladnimada iyo doorka ay jaaliyaddu ku leedahay taageeridda dib u dhiska iyo horumarka Soomaaliya.

Bulshadii ka qeyb gashay kulanka ayaa wasiirka su’aalo kala duwan ka weydiisay xaaladda amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada ee dalka, iyagoo si gaar ah u daneynayay waxqabadka dowladda Federaalka Soomaaliya afartii sano ee lasoo dhaafay. Wasiir Al-Cadaala ayaa si faahfaahsan uga jawaabay su’aalihii la weydiiyay, isagoo sharaxaad dheer ka bixiyay marxaladaha kala duwan ee uu dalku soo maray iyo horumarka muuqda ee laga sameeyay dowlad dhiska iyo xasilinta dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay guulo wax ku ool ah ka gaartay dhinacyada amniga iyo la dagaallanka argagixisada, isagoo xusay in ciidamada qalabka sida iyo shacabka Soomaaliyeed ay door weyn ka qaateen ciribtirka kooxaha nabad diidka ah. Waxa uu tilmaamay in guulahaas ay horseedeen in deegaano badan dib looga xoreeyo argagixisada, taas oo sare u qaaday kalsoonida shacabka iyo xasilloonida guud ee dalka.

Sidoo kale, Wasiir Al-Cadaala ayaa jaaliyadda uga warramay horumarka laga sameeyay dhinaca dimuqraadiyeynta iyo dowlad wanaagga, isagoo tilmaamay in dowladda ay xoogga saartay dhismaha hay’adaha dowliga ah, kobcinta hannaanka doorashooyinka iyo sare u qaadidda adeegyada bulshada. Waxa uu sidoo kale xusay in Soomaaliya ay horumar ka sameysay dhinacyada dhaqaalaha iyo xiriirka caalamiga ah, taas oo keentay in dalka uu helo taageero iyo iskaashi caalami ah oo sii xoogeysanaya.

Kulankan soo dhaweynta iyo is xog wareysiga ahaa waxaa soo qabanqaabiyay hoggaanka jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Gothenburg, waxaana hormuud u ahaa mudane Maxamed Salaad Yaroow. Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa muujisay taageero ballaaran oo ay u hayso Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo bogaadiyay dadaallada lagu horumarinayo dalka iyo qorshaha dowladda ee ku wajahan dib u dhiska, xasilloonida iyo horumarka taariikhiga ah ee Soomaaliya hiigsaneyso.