Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Warqadaha Aqoonsiga Ka Guddoomay Safiirka Cusub Ee Jabuuti U Fadhiya Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Djibouti u soo magacowday Soomaaliya, Danjire Cusmaan Dubbad Sugulle.

Madaxweynaha ayaa Danjiraha cusub ugu hambalyeeyay xilka loo igmaday, isaga oo u rajeeyay inuu ka miro dhaliyo howlaha diblomaasiyadeed ee loo soo wakiishay. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee walaaltinimo, iskaashiga siyaasadeed, amniga iyo dhaqaalaha ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Jabuuti.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in labada dal ay leeyihiin xiriir qoto dheer oo ku dhisan deris wanaag, iskaashi joogto ah iyo wadajir ku aaddan xasilloonida iyo horumarka gobolka Geeska Afrika. Waxa uu xusay in dowladda Soomaaliya ay muhiimad gaar ah siinayso horumarinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada shacab ee walaalaha ah.

Dhankiisa, Danjiraha cusub Cusmaan Dubbad Sugulle ayaa Madaxweynaha la wadaagay dhambaal iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismail Omar Guelleh, isaga oo uga mahadceliyay soo dhoweynta diirran ee uu kala kulmay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Danjiraha ayaa sidoo kale soo bandhigay qorshihiisa ku aaddan xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga labada dowladood iyo kor u qaadidda wax wada qabsiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo horumarinta danaha wadajirka ah ee labada dal. Waxa uu xusay in dowladda Jabuuti ay sii wadi doonto taageerada ay la garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada nabadgelyada, dowlad dhiska iyo horumarka guud ee dalka.