Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ), Dr Maryam Qaasim, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeelatay Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Rayidka, Cumar Xaashi.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya labada dhinac ee la xiriira ilaalinta xuquuqda rayidka iyo dabagalka xaaladda guud ee xuquuqul insaanka dalka.
Labada mas’uul ayaa si gaar ah uga wada hadlay muhiimadda ay leedahay hirgelinta Siyaasadda Qaranka ee Ilaalinta Rayidka, oo dhowaan ay ansixiyeen Golaha Wasiirrada, taas oo saldhig u ah ilaalinta iyo badbaadinta shacabka rayidka ah.
Sidoo kale, waxaa kulanka lagu falanqeeyay doorka Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed ee ku aaddan xoojinta kormeerka xuquuqul insaanka, kor u qaadista isla-xisaabtanka hay’adaha dowladda, iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, iyadoo la waafajinayo dastuurka dalka iyo shuruucda khuseeya.
Dr Maryam Qaasim iyo Cumar Xaashi ayaa isla qiray muhiimadda iskaashi joogto ah oo lagu xoojinayo ilaalinta xuquuqul insaanka iyo badbaadada rayidka, si loo helo nidaam hufan oo ku dhisan cadaalad iyo isla-xisaabtan.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada socda ee lagu xoojinayo hay’adaha u xilsaaran ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo xasilloonida bulshada Soomaaliyeed.