Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Malawi Oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Abdisalam Ali, ayaa wada hadal dhinaca taleefoonka ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Malawi, George Tapatula Chaponda.

Labada wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Malawi, iyagoo diiradda saaray horumarinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, diblomaasiyadda iyo arrimaha ay labada dowladood wadaagaan.

Intii uu socday wada hadalka, Wasiir Dr. Chaponda ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada dowladda Malawi ee ku aaddan midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxa uu tilmaamay in dowladda Malawi ay garab taagan tahay Soomaaliya dadaallada ay ugu jirto ilaalinta qarannimada iyo xasilloonida dalka.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay dowladda Malawi mowqifkeeda taageerada leh iyo xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wada shaqeynta iyo iskaashiga diblomaasiyadeed ee labada dhinac.

Wadahadalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojineyso xiriirrada diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay la leedahay dalalka Afrika iyo beesha caalamka.