Dowladda Soomaaliya Oo Si Adag U Cambaareysay Isku Day Weerar Drone Ah Oo Lagu Bartilmaameedsaday Sacuudi Carabiya

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay isku day weerar oo lagu adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) laguna bartilmaameedsaday Boqortooyada Saudi Arabia, kuwaas oo la sheegay in la qabtay laguna burburiyey kadib markii ay galeen hawada dalkaasi.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa weerarradaasi ku tilmaantay xadgudub cad oo ka dhan ah madax-bannaanida Boqortooyada Sacuudi Carabiya, isla markaana halis ku ah amniga, nabadda iyo xasilloonida guud ee gobolka. Soomaaliya waxay sheegtay in falalka noocan ahi ay kordhinayaan xiisadaha ka jira gobolka, ayna wiiqayaan dadaallada nabadeynta iyo wadajirka.

Soomaaliya ayaa mar kale xaqiijisay garab istaaggeeda buuxa ee ay la leedahay Boqortooyada walaalaha ah ee Sacuudi Carabiya, iyadoo si cad u muujisay taageerada ay u hayso dhammaan tallaabooyinka lagu ilaalinayo amniga, xasilloonida iyo midnimada dhuleed ee dalkaasi.

Sidoo kale, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay adkeyneysaa in weerarrada lagu beegsanayo dowladaha iyo kaabeyaasha muhiimka ah ay khatar ku yihiin xasilloonida gobolka, isla markaana ay dhaawacayaan dadaallada wadajirka ah ee lagu xoojinayo amniga.

Ugu dambeyn, Soomaaliya waxay ugu baaqday dhammaan dhinacyada in ay muujiyaan is-xakameyn, ixtiraamaan sharciga caalamiga ah, ayna sii xoojiyaan dadaallada lagu ilaalinayo nabadda iyo xasilloonida