Agaasimaha Guud ee Caafimaadka Galmudug Oo Soo Xiray Shirka Tayeynta Xogta Caafimaadka HMIS

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug, Cabdiwali Maxamed Axmed, ayaa si rasmi ah u soo xiray shirka Tayeynta iyo Adeegsiga Xogta Caafimaadka ee HMIS, kaas oo looga hadlay horumarinta nidaamka xogta caafimaadka iyo sidii loo hagaajin lahaa tayadiisa.

Shirkan oo ay ka soo qeyb galeen masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Galmudug, howl-wadeennada HMIS, wakiillo ka socday hay’adda UNICEF, iyo xubno ka socday xarumaha caafimaadka ee degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb, ayaa si qoto dheer diiradda loogu saaray tayeynta iyo isku waafaqsanaanta xogta caafimaadka.

Intii uu shirku socday, waxaa xoogga la saaray sidii loo xoojin lahaa saxnaanta xogta, looga hortagi lahaa khaladaadka xog ururinta, loona adeegsan lahaa xogta caafimaadka qorsheynta iyo go’aan qaadashada adeegyada caafimaadka ee bulshada.

Agaasimaha Guud ayaa xusay in shirkan uu muhiim weyn u yahay kor u qaadista tayada nidaamka HMIS, isla markaana uu door muhiim ah ka qaadan doono hagaajinta adeegyada caafimaadka ee Galmudug. Waxa uu sidoo kale ku bogaadiyay ka qeybgalayaasha dadaalka ay muujiyeen iyo sida ay uga go’an tahay horumarinta nidaamka xogta caafimaadka.

Ugu dambeyn, Agaasimuhu wuxuu u mahadceliyay bahwadaagta iyo hay’adaha taageera dadaallada lagu horumarinayo xogta caafimaadka iyo adeegyada caafimaad ee guud ahaan Galmudug, isagoo adkeeyay muhiimadda wada shaqeynta joogtada ah ee dhinacyada kala duwan ee caafimaadka.