Wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha cusub ee Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo maanta si diirran loogu soo dhoweeyey Magaalada

Wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha cusub ee Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gaashaanle Dhexe Isxaaq Aadan (Isxaaq Berdaale), ayaa maanta si diirran loogu soo dhoweeyey Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Taliyaha iyo wafdigiisa ayaa markii ay ka dageen Garoonka Diyaaradaha Baydhabo waxaa halkaasi kusoo dhoweeyey saraakiil sare oo ka tirsan Ciidamada Ammaanka, masuuliyiin ka socotay Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada.

Soo dhoweynta loo sameeyey wafdiga Taliyaha cusub ayaa muujinaysa xiriirka wanaagsan, wada shaqeynta dhow, iyo taageerada ay bulshada iyo hay’adaha dowladda u hayaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Qeybta 60-aad oo door muhiim ah ka qaadata sugidda amniga iyo xasiloonida deegaannada Koonfur Galbeed.

Intii lagu guda jiray soo dhoweynta, masuuliyiinta iyo saraakiisha ka qeyb galay munaasabadda ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada shaqeynta ka dhaxeysa ciidamada, maamulka gobolka, iyo shacabka, si loo dardargeliyo howlaha amniga, la dagaallanka kooxaha nabad-diidka ah, iyo ilaalinta nabadda guud ee gobolka.

Safarka Taliyaha cusub ee Qeybta 60-aad ayaa sidoo kale qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo hoggaanka ciidamada iyo kor u qaadista howlgalada amni ee ka socda deegaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.