Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta kulan sagootin ah la yeeshay Danjiraha aan deggeneyn ee Dowladda Federaalka Russia u qaabilsanaa Somalia, Mikhail Golovanov, kaas oo soo gebagebeeyay muddadii uu hayay xilka diblomaasiyadeed.
Kulanka ayaa ku dhacay jawi saaxiibtinimo iyo isfaham, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen xiriirka taariikhiga ah ee soo jireenka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Ruushka, iyo sidoo kale sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga labada dal. Wasiir Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay Danjire Golovanov dadaalkii iyo doorkii muuqday ee uu ka qaatay horumarinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dowladood muddadii uu xilka hayay.
Wasiirka ayaa xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay muhiimad gaar ah siineyso xoojinta xiriirka ay la leedahay Ruushka, isagoo tilmaamay in labada dal ay leeyihiin dano iyo iskaashi wadaag ah oo ku saabsan dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, waxbarashada iyo horumarinta guud.
Dhankiisa, Danjire Golovanov ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed wada shaqeyntii iyo soo dhoweyntii ay muujiyeen muddadii uu joogay xilka, isaga oo sheegay inuu rajeynayo in xiriirka labada dal uu sii kobco mustaqbalka.
Ugu dambeyn, labada dhinac ayaa markale adkeeyay sida ay uga go’an tahay sii ambaqaadidda iyo xoojinta iskaashiga iyo xiriirka saaxiibtinimo ee u dhexeeya Somalia iyo Russia, si looga wada shaqeeyo danaha iyo horumarka labada shacab.